DHAGEYSO: M/weynaha Puntland: ”Al-Shabaab, Daacish & DF Somalia ayaa Puntland ku soo duudlay”

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Carmo (Horumar Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta gaaray Degmada Carmo ayaa sheegay maruu shacab badan oo isu soobaxay kula hadlayay gudaha degmadaasi.

Cabdiweli Gaas ayaa ku sheegay in dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ay ka wada qeyb qaadanayaan Al-Shabaab, Daacish iyo Dowlada Federaalka sida uu hadalka u dhigay.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA

Waxa uu tilmaamay in Puntland ay ka hortagtay awoodahas badan ee is biirsaday islamarkaana ay gacan ka heleyso shacabka ku dhaqan magaaladaas, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynuhu wuxuu cadeeyey in ay Puntland iskaga filan tahay cadow kasta oo kusoo duula, wuxuuna sheegay in ay gacan ku dhisayaan Kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarka, gacana ay iskaga difaacayaan cadowyada hororka ah eekusoo duulay Puntland.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Shacabka Puntland oo dhan ay u mideysan yihiin cadowga, mar kasta oo midnimada lasii xoojinaya ay jabayaan cadowgan doonaya in ay dumiyaan Amniga, Horumarka iyo Midnimada Shacabka Puntland.

Xafiiska Horumar Online, Boosaaso
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close