DHAGEYSO: Wasiirka gaashaandhiga oo ka hadlay dagaalka Gaalkacyo

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, General Cabdulqaadir Cali Diini ayaa ka hadlay dagaallada ka holcaya muddooyinkan magaalada Gaalakacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Cabdiqaadir Cali Diini, ayaa ugu baaqay labada dhinac inay ka shaqeyaan joojinta xasaradda, waxaana uu sheegay in dawladda Soomaaliya ay aad uga xun tahay colaaddaasi soo cusboonaatay.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA

Dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo, ayaa madaxa hadda la sii galaya muddo bil ah, kaasoo u dhaxeeya maamullada Galmudug iyo Puntland, wuxuuna geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Haddaba, wasiir gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, oo wareysi siiyay laanta Af Soomaaliga ee VAO-da ayaa wax laga weydiiyay aragtidiisa ku aadan dagaalka ka socda magaalada Galkaacyso.

Xafiiska Horumar Online, Garoowe
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close