DAAWO SAWIRRO: Dhul-gariir xoogan ku dhuftay dalka Talyaaniga

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Macerata (Horumar Online) – Waxaa xalay dalka Talyaaniga ku dhuftay dhulgariir sababay Khasaare kala duwan oo soo gaaray dhismooyin dhaadheer iyo dadkii ku jiray intaba.

Dhulgariirka ayaa ku dhuftay deegaano ku yaal bartamaha wadanka Talyaaniga oo ay ku jiraan deegaanadii uu dhulgariirka ka dhacay labo bil ka hor.

Telefishinada Talyaaniga ayaa xalay baahiyey muuqaalka dhulgariirka oo xoogiisa ka dhacay Tuulada Visso ee bartamaha Talyaaniga, waxaana sidoo kale laga dareemay dhulgariiradaasi inta badan degmooyinka wadankaasi iyo Caasimada Rome.

Qaar kamid ah Kaniisadaha qadiimiga ah ee ku yaal goobaha dhulgariirka ka dhacay ayaa la sheegay inay gebi ahaan burbureen, waxaana sidoo kale khasaaro xoog leh soo gaaray qaar kamid ah goobaha taariikhiga ah ee ku yaal bartamaha dalkaasi Talyaaniga.

Shaqaalaha ku howlan gargaarka dadka uu saameeyay dhulgariirka, ilaa hada ma aysan shaacin dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Dhulgariirkaasi xalay ku dhuftay dalka Talyaaniga.

Masuuliyiinta dalka Talyaaniga ayaa ugu baaqay Bulshada inay isdejiyaan, balse dadka waxa ay dareemayaan cabsi xoogan.

Si kastaba ahaatee, bishii Agoosto ee sanadkan ayuu dhulgariir ka dhacay isla deegaanadaasi waxaa ku dhintay dad gaaraya 297 qof.

dhulgariir-ku-dhuftay-dalka-talyaaniga dhulgariir-ku-dhuftay-dalka-talyaaniga1 dhulgariir-ku-dhuftay-dalka-talyaaniga2 dhulgariir-ku-dhuftay-dalka-talyaaniga3 dhulgariir-ku-dhuftay-dalka-talyaaniga4 dhulgariir-ku-dhuftay-dalka-talyaaniga5 dhulgariir-ku-dhuftay-dalka-talyaaniga6 dhulgariir-ku-dhuftay-dalka-talyaaniga7 dhulgariir-ku-dhuftay-dalka-talyaaniga8

Xafiiska Horumar Online, Rome
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close