Dowladda Kenya oo bandow ku soo rogtay Mandheera

Filed under: WARARKA MAANTA |

Mandhera (Horumar Online) – Dowladda Kenya ayaa wixii ka billowdo maanta oo Khamiis ah bandow habeenkii ah ku soo rogtay magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, halkaasoo ay dhawaan ka dhaceen weerarro lagu laayay dad rayid ah

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa dadweynaha Mandera ku wargelisay inaysan guryahooda ka soo bixin laga billaabo 6.30 maqribnimo ilaa iyo 6.30 aroornimo.

Dowladda ayaa sheegtay in bandowgaasi uu socon doono ilaa iyo dhammaadka bisha December.

Dabley hubeysan ayaa Talaadadii weerartay huteel ku yaalla Mandheera waxaana ku dhimatay 12 qof.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay inay ka dambeysay weerarkaaasi, balse mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa ku gacan seyray sheegashadasi waxyna ku doodeen in laga yaabo inay weerarkaasi gaysteen “burcad deegaanka Mandheera ka soo jeeda”

Hal qof oo ka shaqeynayay huteelka oo lagu eedeeyay inuu wax ka ogaa weerarkaasi oo uu gacan siiyay dableyda ayaa la xiray.

Waa weerarkii labaad oo Mandera ka dhaca muddo bil gudaheed.

Dabley hubeysan oo ka tirsan Alshabaab ayaa magaaladaasi ku dilay lix qof seddax isbuuc ka hor.

Boqolaal qof ayaa ku dhintay weerarada Al-shabaab ay ku soo qaaday dalka Kenya tan iyo markii ay ciidammada Kenya u tallaabeen xudduuda Soomaaliya muddo shan sano haatan laga joogo.

Xafiiska Horumar Online, Nairobi
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close