Safiirka Jabuuti iyo Saraakiil ciidan oo maanta tagay M. Baledweyne

Filed under: WARARKA MAANTA |

Baledweyne (Horumar Online) – Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya waxaa maanta soo gaaray Safiirka Jabuuti u fadhiya Magaalada Muqdisho iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada Somaliya.

Danjire Aadan Xasan Aadan, ayaa ka soo ambabaxay Caasimadda Muqdisho, isaga oo ay la socdaan Saraakiisha ciidamada, waxaa ayna ka soo dageen Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baledweyne.

Ujeedka Safiirka uu u yimid Magaalada Baledweyne, ayaa waxa ay tahay in ciidamada Jabuuti uu la qaybsado dhibaatadii ka soo gaartay qaraxii Ismiidaaminta ee maalin ka hor lala beegsaday ciidamada Jabuuti ee Saldhiga ku leh Magaalada Baledweyne.

Safiirka Jabuuti ayaa booqday Xerada ciidamada Amisom ee Magaalada Baledweyne, wuxuuna indhihiisa ku soo arkay goobtii ay Shabaabka qarxiyeen.

Inkastoo weli Saxaafadda uusan la hadlin Safiirka Jabuuti iyo Saraakiisha ciidan ee la socota, balse weli waxa ay ku guda jiraan Kormeerka Xerada ciidanka Amisom.

Marka uu kormeerka soo dhamaado, ayaa la filayaa inay warbaahinta hadlaan, masuuliyiintaan.

Xafiiska Horumar Online, Baledweyne
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close