Somalia oo Xubin Ka noqotay Waddamada dhaca Badweynta Hindiya ee IORA

Filed under: WARARKA MAANTA |

Indonesia (Horumar Online) – Warsaxafadeed Ka Soo Baxay  Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Soomaliya ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibaddu Cabdisalaam Hadliye cumar  uu saxiixay Cahdiga Ururka Mideeya Waddamada dhaca Badweynta Hindiya ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan (IORA).

saxiixa Cahdigaasi  ayaa dhacay intii lagu guda jiray Shirka Golaha Wasiirada Ururkaasi oo ku qabsoomay Jaziiradda Bali ee Dalka Indonesia, heshiiskan waxa uu micnihiisu yahay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah xubin uga noqotay dalladda ay ku Midoobeen Waddamada ay Kulaala Badweynta India ee loo yaqaan (IORA), Heshiiskan ayaa ayaa dhiirigelinaya ganacsiga iyo iskaashiga dhinacyada badan oo ay ku jirto badbaadada badda, ammaanka , ganacsiga, maalgashiga, maamulka kheyraadka badda, dalxiiska iyo is dhaafsiga dhaqanka.

iora

Wasiir Hadliye oo hadal ka jeediyay kulankaasi, ayaa wuxuu diiradda ku saaray in Soomaaliya ay tahay xubin muhiim u ah Ururka (IORA), ayna xiriir xoogan oo wax wadaagid ah ay la leedahay inta badan Waddamada xubnaha ka ah dalladan, iyada oo aan u mareyno xubinnimadeena islmarkaana hiigsaneynaa inaaynu sii xoojinno , yagleelno xiriirro cusub oo wax wadaagid ah oo dhinac kasta ku shaqa leh oo ah dan wadaag.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay dhowreysaa mabaadiida cahdiga (IORA) ee ku dhisan wax wadaagid iyo hiigsi guud oo isku xiran, is ogol iyo barwaaqada gobolka badweynta Hindiya”,ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedkaasi.

Wasiirku waxa kale oo uu intaasi ku daray in Soomaaliya ka xubin ahaan waxa ay kala xaajin doontaa dhammaan xubnaha (IORA) ka qeybqaadasho iyo dano wadaag horukac ballaaran ka geysan kara dhaqaalaha Soomaaliya bad iyo berriba.

Ururkan oo la saasay 28 October 2008 oo haatan ay ka soo wareegtay Sideed sanno waxaa xubno ka ah 21 Wadan oo ay ka mid yihiin Wadanka Hindiya, Iiraan, Yemen, Australia, Indinosia, Malaysia,kenya, Madagaskar, Cumaan, Yemen, Wadanka imaraadka carabta, koonfur Afrika iyo Wadamo kale oo  dhaca badweynta Hindiya.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close