Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Gaalkacyo & Rasaas la maqlayo

Filed under: WARARKA MAANTA |

Gaalkacyo (Horumar Online) – Wararka naga soo gaaraya jiidda hore ee dagaalka maalmahan ka socday magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in rasaas goos-goos ah laga maqlayo, iyagoo gaar ahaana rasaasta laga maqlaqyo Galbeedka fog ee magaalada.

Warar ay helayso Horumar.com ayaa sheegaya in ay ciidamada maamulka Punland ka jawaabeen rasaas ay ku rideyn ciidanka Galmudug, inkastoo ay adag tahay xog saxan in aad ka hesho Aagga dagaalka.

Xaalada ayaa maanta ka duwan maalmihii hore, waxaana muuqata in labada dhinac aysan u caabooneyn dagaalka oo ay ogaadeyn in dhib mooyee aysan faa’ido ku jirin.

Wixii warar ah ee cusub kala soco Horumar.com

Xafiiska Horumar Online, Garoowe
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close