Home WARARKA MAANTA XOG CUSUB: Ujeedka Ururka DAACISH u qabsatay Deg. Qandala

XOG CUSUB: Ujeedka Ururka DAACISH u qabsatay Deg. Qandala

SHARE

Qandala (Horumar Online) – Waxaa warar dheeraad ah ka soo baxaya, ujeedkii shalay ee degmad Qandala ee gobolka Beri u qabsadeen dagaalyahanno ka tirsan kooxda Daacish. Kuwaasoo isla xalayna halkaasi dib uga baxay.

Xog ay helayso Horumar.com, ayaa waxay sheegeysaa in kooxda Daacish halkaasi ugu soo xiranayeen doonyo u siday hub casri ah iyo sidoo kale qalab kale oo loogu talogalay iney ku dagaallamaan.

Sidoo kale Daacish ayaa helay qarash badan oo dhanka dalka Yemen looga soo dhiibey, waxaana qarashkaasi loogu talogalay ciidankooda qaataan, sidoo kalena la siiyo ciidamada cusub ee Daacish qoroneyso.

Markii ay gaareen dantii ay ka lahaayeen degmada Qandalla si dhib la’aan ah ayeey halkaasi uga tageen, iyagoo aan wax dhibaato ah u geysan shacabka ku nool degmadaasi.

Xafiiska Horumar Online, Boosaaso
Horumaronline@gmail.com

SHARE