Home WARARKA MAANTA XOG: Khilaaf meel xun gaaray oo ka dhex bilawday M/weyne Xasan &...

XOG: Khilaaf meel xun gaaray oo ka dhex bilawday M/weyne Xasan & C/weli Gaas!

SHARE

Muqdisho (Horumar Online) – Wararka aan ka heleyno ilo ku dhow dhow Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas ayaa xaqiijiyay in dib uu u xumaaday xiriirka Xasan Sheekh iyo Gaas.

Wararku waxa ay sheegayaan in xumaanshiyaha xiriirka labada mas’uul uu yahay mid salka ku haya Dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo.

Isku dhaca labada mas’uul ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Xasan uu xiriir dhanka Telefoonka ah la sameeyay Madaxweynaha maamulka Puntland, waxa ayna halkaasi uga wada hadleen Dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo.

xasan-iyo-gaas

Madaxweyne Xasan ayaa Cabdiwali Gaas uga digay inuu ololiyo colaada ka taagan magaalada Gaalkacyo, waxa uuna u cadeeyay in dagaalkaasi aysan lug ku laheyn Dowlada Somalia iyo Ciidamada Xooga.

Xasan Sheekh waxa uu Gaas u cadeeyay inay aad uga xunyihiin dagaalka balse Puntland qudheeda aysan daacad u aheyn in dagaalka xal laga gaaro.

Gaas waxa uu mar kale Madaxweynaha Telefoonka ugu cadeeyay in Dowlada Somalia ay mas’uul ka tahay waxa ka socda magaalada Gaalkacyo, waxa uuna sidoo kale dhagtiisa ku dhibciyay in ciidamada dagaalamaaya ay ku jiraan kuwa Dowlada.

Khilaafyada Xasan iyo Gaas ayaa qeyb ka ah Colaadaha ka aloosan magaalada Gaalkacyo, iyadoo ay xusid mudan tahay in Madaxweynaha Puntland oo sababta ugu badan ee dagaalka uu yahay.

Dagaalada ka socda magaalada Gaalkacyo ayaa la rumeysan yahay inuu yahay mashruuc la doonaayo inuu sii socdo mudada dalka uu ku jiro doorashada.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

SHARE