Home WARARKA MAANTA XOG: Puntland oo u diyaargarowday weerar xooggan inay ku qaado…

XOG: Puntland oo u diyaargarowday weerar xooggan inay ku qaado…

SHARE

Galgala (Horumar Online) – Maamulka Puntland ayaa u diyaar garoobay dagaal culus oo saacadaha soo socda lagu qaado buuraha Galgala ee gobolka Bari, sida wariyaha Horumar.com ee gobolka Bari uu soo sheegayo.

Taliska ciidanka Puntland ee gobolka Bari ayaa ammar lagu siiyey iney weeraraan Buuraha Galgala, sidoo kalena ay dabagalaan cid walbo oo ka mid ah Daacishta Soomaaliya.

Ciidamada Puntland ayaa ku bixi doona Galgala, waa sida qorshaha yahay, waxayna soo taaban doonaan figta buurtaasi iyo sidoo kale deegaannada halkaasi ku yaalla.

Kooxda Daacish ayaa buuraha Galgala ku leh fariisimo waa weyn, waana buur istiraatiiji ah, rasaastana waxbo kama taraan, waana midda keentay in kooxdan halkaasi ay ka dhigtaan fariisimo.

Maamulka Puntland ayaa jihooyin badan waxaa uga furan dagaallo, iyadoo dhanka gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo ay kula dagaallamayaan maamulka Galmudug, halka dhanka kalena maleeshiyaadka Daacish tahay.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

SHARE