Yuusuf Dabageed: ”Xil ka qaadistii la igu sameeyay mala igala tashan”

Filed under: WARARKA MAANTA |

Baledweyne (Horumar Online) – Gudoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), ayaa shaaca ka qaaday inaanan lagu soo wargelin xil ka qaadista lagu sameeyay Arbacadii.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, Cali C/laahi Cosoble oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Jowhar, ayaa sheegay in xil qaadis uu ku sameeyay Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan, isla-markaana uu si ku meel gaar ihi uu xilkaasi ugu magacaabay Cali Jeyte Cismaan.

Yuusuf Axmed Hagar oo siyaabooyin kala duwan ula hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in barraha Internet-yada uun uu ku arkay xil ka qaadista lagu sameeyay.

Waxaa uu cadeeyay in uu soo dhaweynayo qaraarka uu gaaray Madaxweynaha Hirshabelle, isagoo meesha ka saaray in uu ka biyo diidi doono xil ka qaadistiisa.

Sidoo kale waxaa uu ka dhawaajiyay inuu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo Maamulka Gobolka Hiiraan, isla-markaana uu horey u taageeray Madaxweynaha Hirshabelle, toddobaadkii horena uu ku soo dhaweeyay Magaalada Baledweyne.

Dhanka kale, Yuusuf Dabageed, ayaa saluug ka muujiyay in Madaxweyne Cosoble uu xilka ka xayuubiyo, isaga oo aan lahayn xafiis uu si rasmi ah uga hawlgalo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sanadkii hore Digreeto Madaxweyne ku magacaabay Yuusuf Dabageed, xilligaa oo xil ka qaadis uu ku sameeyay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, C/fitaax Xasan Afrax.

Xafiiska Horumar Online, Baledweyne
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close