DAAWO VIDEO: M/weyne Puntland: ”Al-Shabaabka Puntland u dhashay waa doqomo, meel kale wax lama aadaan”!

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Garoowe (Horumar Online) – Madaxwaynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa ka soo yeeray hadal ay aad ula yaabeen dadkii goobjooga ahaa xilligaas.

Cabdiweli Gaas ayaa waxa uu sheegay in Xubnaha ka tirsan maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab ee ka soo Jeeda deegaanada Puntland ay yihiin kuwa Doqomo ah oo aan caqli laheyn.

HALKAN KA DAAWO VIDEO-ga

”Kuwa Shabaabka ah ee Puntland u dhashay, Kuwa kale way ka doqon san yihiin, Intaas Puntland ayay wax kusoo wadaan, meel kale wax lama Aadaan” Ayuu yidhi Cabdiwali Gaas, Madaxweynaha Puntland.

Hadalka ka soo yeeray mas’uulka ugu sareeya maamulka Puntland, ayaa ku soo beegmaya Xili dhowaan Xubno ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, oo isku Badalay Daacish ay Gudaha u galeen degmada Qandala, waxaana la sheegay in Hoggaankoodu uu deegaankaasi ka soo Jeedo.

Xafiiska Horumar Online, Garoowe
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close