Dagaal xooggan oo Al-Shabaab iyo Ciidamada Kenya ku dhexmaray Baardheere & diyaarado ka qey…

Filed under: WARARKA MAANTA |

Baardheere (Horumar Online) – Ciidamada Kenya iyo dagaalyahanno ka tirsan maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab ayaa xalay Iska horimaad hubeysan ku dhex maray duleedka magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dagaalkan oo ka dhacay halka lagu magacaabo Juungal ayaa la sheegay in ay ka qeybqaateen diyaaradaha dagaalka ee dowlada Kenya.

Ilaa iyo hadda lama oga qasaaraha dhabta ah ee  ka dhashay dagaalkan, hase yeeshee waxaa wararka ay sheegayaan in qasaare badan uu ka dhashay dagaalkan.

Maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab iyo ciidamada Kenya midna kama hadlin dagaalka Xalay ku dhexmaray duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Alshabaab ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay kordhiyay dagaalada uu kula jiro ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada, waxaana ay ku soo beegmayaan dagaaladan iyadoo lagu wado in toddobaadyada soo socda ay bilowdaan doorashooyinka ka dhacaya dalka.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close