DHAGEYSO: C/raxmaan Tuuryare oo u Hanjabay Idaacadda Shabeelle + (COD SIR AH)

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, ayaa xalay ku hanjabay in tallaabo uu ka qaadi doono Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.

Tani waxay ka dambeysay markii Idaacadda Shabelle ay xalay baahisay warbixin ku aadan in Taliyihii hore ee Nabad Suggida uu degan yahay dhisme ku dhow Garoonka Aadan Cadde, oo 26-kii bishii October xoog looga saaray Idaacadda Shabelle.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA

Maamulka Radio Shabelle, ayaa iyagu ku andacoonaya in sifo sharci iyagoo ku degan dhismahaasi in xoog ay kaga saareen laamaha ammaanka.

Milkiilaha Idaacadda Shabelle, Cabdimaalik Yuusuf Maxamuud, ayaa Horumar.com u sheegay in dhismahaasi ay leedahay Wasaaradda Gaadiidka, isla-markaana ay ka kireysteen Wasaaradaasi, iyagoo markaasi shubay lacag dhan afartan iyo lix kun oo dollarka Mareykanka ($46,000).

C/raxmaan Maxamed Tuuryare, ayaa ka carooday warbixinta laga sii daayay Radio Shabelle, iyadoona uu Milkiilaha Radio Shabelle ku amray in tallaabo uu ka qaado Wariyihii akhrinaayay warbixintaasi, haddii kalana uu isaga tallaabo ka qaadi doono Idaacadda Shabelle.

Cabdimaalik iyo Tuuryare oo khadka teleefanka ku wada hadlaya, ayaa waxaa laga maqlayaa Cabdimaalik oo leh “Anaga guriga sharciyaa ku deganayn, dowladaana na dejisay, sharci ayaana u haysanaa.”

Taliyihii hore ee NISA,Tuuryare oo hadda ah La taliyaha Wasiirka Amniga Somaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa ka meermeeray in uu degan yahay guri ay sharci u haysato Shabelle, balse uu degan yahay guri dowladeed.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close