DHAGEYSO: ”Galmudug nolosha haku gubto ragga ay ku qabatay dagaalka Gaalkacyo” waxa yiri…

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Gaalkacyo (Horumar Online) – Mid ka mid ah Odayaasha ka soo jeeda gobolka Galmudug oo Wareysi siiyey warbaahinta Galmudug ayaa sheegey in nabada Gaalkacyo ay mirif kurideen maamulka Puntland, balse Galmudug ay ceel ku rideyso.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA

Cabdullahi Cali Faarax Cunaaye, ayaa sheegey inay galmudug muddo Badan Ku baaqeysay nabada Gobolka, balse Puntland ay dhagaha ka fureystay sidaas darteena maanta Gaalkacyo Nabadeeda ay ku jirto Qori caaradiis, waa siduu hadalka u dhigay Odaygaasi.

Docda kale, Mr. Canaaye ayaa soo hadal Qaaday maxaabiista dhawaan ay soo bandhigtay Galmudug, waxaana uu soo jeediyey in nolosha lagu gubo rag la qabtay, Sida uu hadalka u dhigay.

Raga la qabtay naago miyey soo doonteen, sow uma imaan inay dad laayaan, waa in la dilaa oo nolosha lagu gubaa, Puntland kuwa ay qabato waa dishaa” Ayuu yiri Cabullahi Cunaaye.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Dagaalka Gaalkacyo uu socon doono, isagoona si kulul u canaantay Madaxda Galmudug.

Si kastaba ha’ahaatee, arrintan ayaa baasiin hor leh ku sii shubi karta Dagaalada Gaalkacyo ee u dhexeeya Maamulada Galmudug iyo Puntland oo intii ay socdeen geystay Qasaaro nafeed oo aad u badan.

Xafiiska Horumar Online, Gaalkacyo
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close