XOG: Cabsi iyo walaac xooggan oo soo food saartay Soomaalida Islii

Filed under: WARARKA MAANTA |

Nairobi (Horumar Online) – Kaddib markii ay weeraro Argagaxiso ah ka dhacaan Magaalada Nairobi ayaa waxa ay Cabsi Soo Food saartaa Dadka Soomaaliyeed ee deggan xaafadda Islii.

Qaar ka mid ah Soomaalida Islii ayaa waxay sheegeen inay Baqdi ka qabaan Beegsi ay kala kulmaan Ciidanka Amaanka Kenya kuwaasi oo jir dil iyo Xabsi ay ugeystaan Xilliyada ay wax dhacaan.

Weerar ayaa Habeenimadii fiidkii Xalay ka dhacay Irida Albaabka laga Galo safaarada Mareykanka ku Leedahay magaalada Nairobi, kaddib Nin Mindi watay uu halkaasi isagoo geli raba la toogtay.

Waxaa la sheegay, in Ruuxaasi la dilay ee Mindida sitay uu Ahaa Soomaali ka tirsan Ururka Al Shabaab cabsina gelisay Soomaalida Waddankaasi ku dhaqan.

Inta Badan Xaafada Soomaalida ku badan tahay ee Islii Magaalada Nairobi ayaa saaka oo Jimco ah waxa aad looga hadal hayaa weerarkaasi Xalay dhacay iyo Waxa laga filan karo Ciidanka Kenya oo Raaf iyo Falal aan wanaagsaneyn Soomaalida kula dhaqma Markii Argagaxisadu weerar ka geystaan Magaaladaasi.

Xafiiska Horumar Online, Nairobi
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close