Home WARARKA MAANTA AMISOM oo dhacdo Naxdin leh ka geysatay Duleedka Muqdisho

AMISOM oo dhacdo Naxdin leh ka geysatay Duleedka Muqdisho

SHARE

Muqdisho (Horumar Online) – ugu yaraan 1 Ruux ayaa ku dhintay, 3 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Kolonyo ay wateen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM uu Dad Shacab ah ku jiiray Degaanka Jazeera ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Degaanka Jazeera, Axmed Cabdi ayaa waxuu sheegay in Dadka la jiiray ay saarnaayeen Mooto Bajaaj, isagoona intaasi ku daray in dhaawac loo qaaday Isbitaal.

Taliye Axmed Cabdi oo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilmaamay in ay qabteen Kolonyada Ciidamada AMISOM ee shilkaasi geysatay, waxuuna qeexay in wadahadal uu u socdo labada dhinac.

Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo ku aadan shilkaasi ay ka geysteen Duleedka Magaalada Muqdisho.

Inta badan, Dabaabaadka Dagaalka ee Ciidamada AMISOM ayaa Dad Shacab ah ku jiira Wadooyinka ugu mashquulka badan ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

SHARE