DHAGEYSO: Galmudug oo isku khilaaftay arrin aad loo hadal-hayay

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Cadaado (Horumar Online) – Maamulka Galmudug State ayaa waxay hadda Wajahayaan Khilaaf Dhexdooda ah Xilli Colaad ay kaga aloosan tahay Magaalada Gaalkacyo oo dagaal Puntland Kala dhaxeeyo.

Dhawaan waxa Mooshin laga Gudbiyey Cali Gacal Casir oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug kadib markii ay sheegeen in khaladaad uu sameeyey.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA

Gudoomiye Kuxigeenka 2-aad Ee Baarlamaanka Galmudug Maxamed Axmed Maalin oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in uu yahay Mooshinkii lasoo bandhigay mid sharci aan aheyn.

Gudoomiye Maalin ayaa sheegay in sidaas awgeed Mooshinka Xilka Degista ay Xildhibaanadu soo saareen uu yahay mid aan shaqeyn doonin.

Lama Oga sida Xaalka Galmudug Maamulkeeda noqon doono iyadoo is jiid jiid ku bilowday.

Xafiiska Horumar Online, Cadaado 
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close