Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee Hirshabelle oo maanta lagu dhawaaqayo

Filed under: WARARKA MAANTA |

Jowhar (Horumar Online) – Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle Waxaa lagu wadaa in looga dhawaaqo maanta oo Sabti ah xubnaha u tartami doona Aqalka Sare ee Maamulkaasi.

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble, ayaa muddooyinkii dambe ku howlanaa wadatashiyo ku aadan xubnaha Aqalka sare ee Maamulkiisa ka soo gelaayo.

Wadatashiyada oo soo dhamaaday, ayaa la filayaa in maanta lagu dhawaaqo Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare, kadibna waxaa xigi doona sida Musharaxiintaasi ay u jeedin doonaan khudbahooda ku aadan waxqabadka ay la imaan doonaan.

hirshabeelle_horumar_online

Maamulka Hirshabelle, ayaa Kuraasta Aqalka Sare qaybsigooda waxaa kaga soo aaday 8 xubnood oo loo qaybin doono beelaha dega Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan oo marka la isku daro ku mideysan Maamulka Hirshabelle.

Xildhibaano ka tirsan Maamulka Hirshabelle, ayaa Horumar.com u sheegay in maalinta beri ah la filaayo Musharaxiinta Aqalka Sare inay jeediyaan Khudbadahooda ku aadan Musharaxnimada.

Xildhibaanada ayaa maalinta Isniinta ah soo dooran doona 8 Xubnood ee xilkaan u taagan, inkastoo uu jiraayo tartan ay galayaan.

Horay waxaa xubnaha Aqalka Sare u soo doortay Maamulada Galmudug, Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close