Meydka Nin dhallinyaro ah oo maanta laga helay Gaalkacyo

Filed under: WARARKA MAANTA |

Gaalkacyo (Horumar Online) – Waxaa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, ayaa waxaa saaka lagu arkay meydka nin dhalinyaro ah oo jirkiisa rasaasta ay ka muuqato.

Meydka ninkaan dhalinyarada ah ayaa la sheegay in lagu arkay agagaarka Suuqa Xero Dayax ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, sida Warbaahinta gudaha ay u xaqiijiyeen dad deegaanka ah.

Waxaa la sheegay qaybaha sare ee jirkiisa ninkaan inay rasaas kaga tiilay, lamana oga cida ku dhufatay xabadaha uu u dhintay ruuxaasi.

Dadka waxa ay sheegeen ninka la dilay inuu ka mid ahaa ganacsatada Suuqa Xero Dayax, balse deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolada Koonfureed ee Somaliya.

Masuuliyiinta Maamulka Puntland ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo weli kama aysan hadlin falkaan dilka ah ee loo geystay ninkaasi ganacsadaha ahaa.

Magaalada Gaalkacyo waxaa ku dagaalamaayay muddooyinkii dambe ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland, kuwaasi oo ilaa hada isku horfadhiya Magaalada Gaalkacyo.

Puntland ayaa dhowr mar ku eedeysay dadka ka soo jeeda Koonfurta Somaliya inay ka dambeeyay falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ee ka dhaca Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Xafiiska Horumar Online, Gaalkacyo
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close