XOG: Madaxweynayaasha maamul goboleedyada oo looga yeeray Imaaraadka Carabta + SABAB

Filed under: WARARKA MAANTA |

Dubia (Horumar Online) – Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa dhammaantood looga yeeray dalka Imaaaraadka Carabta .

Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa ugu horeeyay madaxweyne goboleed booqda Imaaraadka Carabta, waxaana ku xigay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo weli ku sugan dalkaasi, Waxa isna Dubai gaaray Shariif Xasan Sheekh Aadan madaxweynaha Koonfur Galbeed oo isna maalmo dhowr ah hadda ku sugan Dubai.

Madaxweynayaasha maamulada Galmudug C/kariin Guuleed iyo Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa shalay wadajir uga duulay magaalada Muqdisho iyadoo gaaray magaalada Dubai, xilligaas oo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid isna uu sii maris ku ahaa magaalada Nairobi, kuna sii jeeday Dubai.

Ujeedka dowladda Imaaraadka ayaa la sheegay inuu ku saabsan yahay doorashada Soomaaliya ka dhici doonto 2016 oo ay dooneyso inay saameyn ku yeelato, iyadoo xogtu sheegeyso inay wadato musharaxiin ay dooneyso inuu ku soo baxo xilalka sare ee dowladda cusub.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close