DAAWO SAWIRRO: Aabe 4 Xaasle ah oo dalka Jarmalka ka yaabsaday iyo Warbaahinta oo daba dhigatay

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA CAALAMKA,WARARKA MAANTA |

Berlin (Horumar Online) – Inta badan Jaraaid-yada ugu caansan gudaha dalka Germany ayaa waxa ay maalmahaan dambe daba dhigteen Aabe u dhashay dalka Siiriya kaas oo gudaha Jarmalka kula soo qaxay 4 Xaas iyo 23 Caruur ah.

Ninkaan Siiriyaanka ah ayaa waxaa lagu magacaabaa Ghazi Ali waana 49-jir . Sharciga dalka Germany iyo guud ahaan kan wadamada Yurub ayaa waxa uu dhigaya ninka in uu guursan karo 1 Xaas oo kaliyah balse raga qaba Xaasaska badan ayaa Dowladaha Yurub ka qariya inay leeyihiin xaasas kale.

Ghazi Ali ayaa gudaha dalka Germany waxa uu keensaday ama dalka Siiriya kala soo qaxay 4-Xaas iyo 23-Caruur ah (12-Gabdhood iyo 11-Wiil) . Saxaafada wadanka Germany oo daba dhigatay Ghanzi Ali waxeey soo bandhigeen in Bil kaste lacagta Ceeyrta ah uu u qaato qarash dhan 30.000 oo Euro taas oo sanadkii noqoneysa 360.000 .

ghazi-ali ghazi-ali1

Xafiiska Horumar Online, Berlin
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close