DHAGEYSO: Axmed Madoobe: ‘‘Villa Somaliya halaga saaro Ciidamada AMISOM‘‘

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Kismaayo (Horumar Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku baaqay in si deg-deg ah dalka guud ahaan loogu saaro Ciidamada Shisheeye ee Jooga.

Waxa uu sheegay in ay qalad tahay in ay dalka sii joogaan maadama sida uu sheegay ay ka baxayaan ama ay baneenayaan deegaanadii ay joogeen.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in la helo Ciidamo Soomaaliya oo Tababaran isla markaana qalabkooda iyo mushaarkooda loo dhameystiro.

Madaxweyne Axmed Madoobe waxa uu sheegay in Villa Somalia laga saaro Ciidamada AMISOM oo loo dhiibo Ciidamo Soomaaliyeed.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close