DHAGEYSO: Ciidamada DF Somalia oo Al-Shabaab dib uga saaray Goofgaduud & Wararkii ugu dambe…

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Baydhabo (Horumar Online) – Ciidamada Militariga Somaliya oo ay kaabayaan ciidan ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxay dib ula wareegeen gacan ku haynta Deegaanka Goofgaduud ee duleedka Magaalada Baydhabo.

Dagaal-yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab, ayaa subixii Axaddii maanta weerar ballaaran ku soo qaaday Deegaanka Goofgaduud, iyagoona kala wareegay ciidamadii horey ugu sugnaa.

Gurmad laga diray Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa wadada u galay maleeshiyada Ururka Al Shabaab, xilli ay ku sii siqayeen Goofgaduud. Weerarkaasi jidgalka ah Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed kama hor istaagin inay gaaraan Goofgaduud.

HALKAN KA DHAGEYSO WARBIXIN

Labada ciidan, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay ka dhaqaaqeen Goofgaduud, waxaana hadda la soo sheegayaa in ay gaareen Deegaanka Manaas, oo 45km u jira Baydhabo.

Wararka ka ay helayso Horumar.com ayaa sheegaya in Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo kaashanaya kuwa Ethiopia ay dib u qabsadeen deegaanka Goofgaduud oo ku dhow magaalada Baydhabo.

Docda kale, dhaawacyada toddobo ka mid ah Ciidamada Dowladda iyo Koonfur Galbeedka, ayaa waxaa la soo gaarsiiyay Isbitaalka Guud Baydhabo, si halkaasi wax looga qabto dhaawacyadooda.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close