XOG CUSUB: Dowladaha Kenya iyo Sudan oo ka bixi raba maxkamadda ICC

Filed under: WARARKA MAANTA |

Khartoum (Horumar Online) – Madaxweyneyaasha dalalka Sudan iyo Kenya ayaa kulan ku leh magaalada Khartoum ee dalka Sudan.

Labadan Mas’uul waxay ka wada xaajoonayaan sidii dalalkooda khaasatan iyo dalalka Afrika oo dhan looga saari lahaa maxkamada ICC.

Madaxweyneyaashaa ayaa sheegay in ICC ay tahay hub lagula dagaalamo dalalka Afrika ayadoo si gaar ah u bar tilmaansata madaxda Afrika isla markaana aanan caddaalad ahayn. Sidoo kale ayaa labada masuul ka wada hadli doonaan ammaanka gobolka.

Dhanka ammaanka ayaa laba madaxweyne ay ka wada hadlayaan xiisada colaadeed ee Koofur Suudaan.

Booqashada dalkaa uu ku joogo Madaxweyne Kenyatta oo qaadan doonta 2 maamlmood ayaa usuurta  galinaysa labada madaxweyne sidoo kale in ay isla qaadaa dhigaan amuuraha kale ee khuseeya IGAD.

Xafiiska Horumar Online, Khartoum
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close