Home WARARKA MAANTA XOG: Galmudug oo xoog ku soo furatay qof Ajnabi looga heystay Mudug

XOG: Galmudug oo xoog ku soo furatay qof Ajnabi looga heystay Mudug

SHARE

Cadaado (Horumar Online) – Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Mudug ee Bartamaha Somaliya ciidamada Maamulka Galmudug ayaa si xoog ah ku so furtay Haweenay u dhalatay dalka Kenya oo Afduub ahaan loogu haystay Deeganada Maamulkaasi.

Howlgalkaan oo ay qaadeen ciidamada Nabad Suggida Maamulka Galmudug ayaa loogu guuleystay sidii loogu talo galay, kadib markii sida qorshaha ay u dhigeen ciidanka uu u dhacay.

Taliyaha Nabad Suggida Maamulka Galmudug Saadaq Cumar Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in haweenaydaasi laga soo furtay gacanta Koox Burcad badeed ah.

Haweenayda ciidanka ay soo furteen ayaa u dhalatay dalka Kenya, waxaana lagu haystay duleedka Deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug

Haweenaydaan ayaa hada la keenay Magaalada Cadaado, halkaasi oo Saraakiisha ciidamada Maamulka Galmudug ay Saxaafadda ugu soo bandhigi doonaan.

Kooxihii Burcad Badeeda ee Haweenaydaasi haystay, ayaa la sheegay inay la baxsadeen Naftooda.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

SHARE