XOG: Turkiga oo Malaayiin dollar ku bixinaya dib u soo noqoshada Sh. Shariif

Filed under: WARARKA MAANTA |

Baydhabo (Horumar Online) – Xog muhiim ah oo ay heshay Horumar. com ayaa waxay sheegeysaa in dowladda Turkiga ay haatan waddo qorshe ballaaran oo ay malaayiin doolar ku siineyso Sheekh Shariif si uu kusoo laabto.

Sheekh oo ah shaqsigii Turkiga u ogolaadey in Soomaaaliya yimaadaan, ka sameeyaan maalgelin, sidoo kalena dadka wax u qabtaan, ayaa hadda aad ugu haminaya in taageerada ay noqoto mid ka dhabowda.

Waxaa lasiin doonaa Sheekh Shariif ugu yaraan 3 Milyan oo doolar, waxaana uu ku fangareyn doonaa doorashada 2016 ee bisha soo aadan dalka ka dhici doonta.

Diyaarad gaar loo leeyahay oo Turki ah ayaa sida ugu dhaqsiyaha badan lacagtaan iyadoo Kaash ah dalka keeni doonta, waxaana lacagtaan soo qaadi doona ciidanka Turkiga ee jooga Muqdisho.

Safaaradda ayaa siin doonta Sheekh Shariif si uu u xoojiyo ololihiisa ku aadan doorashada, islamarkaana ku dadaallo in sida ugu dhaqsiyaha badan uu kusoo laabto.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close