Abwaan HADRAAWI oo la sheegay in xusuusta dhow ka luntay

Filed under: WARARKA MAANTA |

Burco (Horumar Online) – Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ka mid ah Abwaanada Somaliyeed kuwooda ugu waawayn, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in xusuusta dhow uu gabay.

Abwaan Cismaan C/laahi Guure, ayaa toddobaadkan booqasho ku tagey hoyga uu Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer uu ka degan yahay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame.

Abwaan Cismaan C/laahi Guure, ayaa sheegay xanuunka Abwaan Hadraawi inuu yahay mid u badan dhinaca maskaxda, gaar ahaan xusuusta dhow oo uu lumiyay.

Abwaan Guure, ayaa ku waramaya mar sii horeysay in Abwaan Hadraawi arrimo caafimaad loogu kaxeeyay dalka Jarmalka, halkaasoo ay dhakhaatiirta Jarmalku ku cadeeyeen in maskaxda Abwaanka u dhiganto mid muddo laba qarni ihi (Laba boqol oo sano) shaqaynaysay.

Guure oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da, ayaa xusay in xanuunkan uu in muddo ahba haayay Abwaan Hadraawi, balse uu muddooyinkii ugu dambeysay isa soo taraayay amaba uu ku soo xoogeysanaayay.

Sida uu sheegayo Abwaan Guure sida kale xaaladda Abwaan Hadraawi, ayaa ah mid degan oo caadi ah, dhawaana la qorsheynayo bal in markale dalka dibadiisa caafimaad ahaan loogu qaado.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close