DAAWO SAWIRRO: Guddoomiyaha cusub ee G/Hiiraan oo booqday xarumo Ciidan & go’aan adag oo uu qaatay

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Baledweyne (Horumar Online) – Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ay wehliyaan Saraakiisha ciidamada Millateriga iyo Booliska Gobolka Hiiraan, ayaa kormeer ku tagay xarumaha ciidamada Magaalada Baledweyne.

Cali Jeyte Cismaan, ayaa tagay xarumaha Booliska, Taliska Asluubta iyo Xarunta Xabsiga Magaalada Baledweyne, isaga oo halkaasi kula hadlay ciidamada.

Waxa uu balan qaaday inuu bixin doono Mushaaraadka ka maqan ciidamada Dowladda ee Gobolka Hiiraan, maadaama uu isaga ciidan yahay uuna garanaayo dhibaatada ciidamada haysata.

Mushaaradka ciidanka waa la bixinayaa sida ugu dhaqsiyaha badan, sababtoo ah anigaa ciidan soo ahaan jiray oo waan garanayaa Askari mushaarka uu ka maqan yahay dhibka haysta.” Ayuu yiri Guddoomiyaha.

Waxa kale uu sheegay in ciidamada looga baahan yahay inay la yimaadaan isbedel muuqda oo ku aadan dhanka ammaanka si horay loogu socdo.

Taliyaha ciidamada Booliska Magaalada Baledweyne Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle, ayaa sheegay dhibaatada ugu horeysa ee ciidamada haysata inay tahay arimaha Mushaaraadka.

Ugu dambeyn, wuxuu qeexay ciidamada in muddo ah inaysan qaadan Mushaar, xilligaan ay u baahan yihiin helida xuquuqdooda.

guddoomiyaha-cusub-ee-gobolka-hiiraan-cali-jeyte-cismaan guddoomiyaha-cusub-ee-gobolka-hiiraan-cali-jeyte-cismaan1 guddoomiyaha-cusub-ee-gobolka-hiiraan-cali-jeyte-cismaan2 guddoomiyaha-cusub-ee-gobolka-hiiraan-cali-jeyte-cismaan3 guddoomiyaha-cusub-ee-gobolka-hiiraan-cali-jeyte-cismaan4 guddoomiyaha-cusub-ee-gobolka-hiiraan-cali-jeyte-cismaan5 guddoomiyaha-cusub-ee-gobolka-hiiraan-cali-jeyte-cismaan6 guddoomiyaha-cusub-ee-gobolka-hiiraan-cali-jeyte-cismaan7 guddoomiyaha-cusub-ee-gobolka-hiiraan-cali-jeyte-cismaan8 guddoomiyaha-cusub-ee-gobolka-hiiraan-cali-jeyte-cismaan9 guddoomiyaha-cusub-ee-gobolka-hiiraan-cali-jeyte-cismaan10 guddoomiyaha-cusub-ee-gobolka-hiiraan-cali-jeyte-cismaan11 guddoomiyaha-cusub-ee-gobolka-hiiraan-cali-jeyte-cismaan12 guddoomiyaha-cusub-ee-gobolka-hiiraan-cali-jeyte-cismaan13 guddoomiyaha-cusub-ee-gobolka-hiiraan-cali-jeyte-cismaan14 guddoomiyaha-cusub-ee-gobolka-hiiraan-cali-jeyte-cismaan15

Xafiiska Horumar Online, Baledweyne
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close