DHAGEYSO: Galmudug oo ku dhawaaqay Weji cusub oo dagaal ah

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Cadaado (Horumar Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay bilaabi doonaan Dagaal ka dhan ah kooxaha burcadbadeeda Soomaalida oo ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Mudug.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA

Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in Kooxaha burcadbadeeda ay dhibaateeyaan dadka ajaanibta ah ayna ku sugnaadaan Deegaanada maamulka Galmudug.

Waxaa uu sidoo kale xusay in ciidanka Galmudug ay qaadayaan dagaal saf balaaran ah oo kooxaha burcadbadeeda lagula dagaalamaayo.

Waxa aheyd Axaddii shalay markii ciidanka Nabad sugida maamulka Galmudug ay Magaalada Cadaado ay kusoo bandhigeen haweenay u dhalatay dalka Kenya , islamarkaan afduub ahaan kooxaha burcadbadeeda ay ugu haysteen qeybo ka mid ah gobolka Mudug.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close