Galmudug oo Kenya ku wareejisay Louis Njoki oo dhawaan laga…

Filed under: WARARKA MAANTA |

Cadaado (Horumar Online) – Safiir ku xixgeenka Safaarada Kenya u fadhiya Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayay, ayaa Maanta gaaray Magaalada Cadaado oo xarun Kumeel gaar ah u ah Maamulka Galmudugee  uu hogaamiyo Cabdi Kariin Xuseen Guuleed.

Garoonka diyaaradaha Magaalada Cadaado waxaa ku soo dhaweeyay wasiiro katirsan Maamulka Galmudug iyo masuuliyiin kale,waxaana loo sii wareejiyay Xarunta Madaxtooyada u ah Galmudug.

Ujeedadad Socdaalka Safiir ku xixgeenka Kenya ee Soomaaliya Xasan Maxamed Cabdi  ayaa ahaa sidii ay usoo kexeysan lahaayeen  Louis Njoki oo ah 41-jir udhalatay Dalka kenya Habeen ka horna nabad Sugida Galmudug ay ka soo furteen kooxo burcad badeed Soomaali ah.

Louis Njoki ayaa Mudo ku siman 18 Bilood waxaa lagu heystay Deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug waxeyna ahaayeen labo kamid ah howlwadeenada Caafimaadka kenya,Ninkii iyada lala heystay ayey sidan oo kale Nabad Sugida Galmudug waxey ku soo badbaadiyeen Bishii February ee Sanadan.

Safiir ku xigeenka ayaa Galmudug ku amaanay Howlgalka Guuleystay ee lagu soo furtay haweeneydan,wuxuuna balan qaaday in arinkan xoojinayo xiriirka udhexeeya Maamulka Galmudug iyo Dowladda Kenya.

Wasiirka Amniga Galmudug CismaanTaardhuleed oo isna dhankiisa hadlay ayaa sheegay in Galmudug xiligan diyaar utahay sidii ay usoo afjari leheyd howlgalka ka dhanka ah Burcad badeedka ku dhuumaleysta deegaanda Galmudug.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close