KENYA: 140 dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaanu Dilnay

Filed under: WARARKA MAANTA |

Afmadow (Horumar Online) – Sida lagu qoray Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya, ayaa lagu sheegay dagaal ka dhacay Degmada Afmadow oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose in ciidamada Kenya ay halkaasi ku dileen dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab.

Dagaalkaan ayaa ka dhacay Degmada Afmadow todobaadkii aan soo dhaafnay, waxaana Sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya oo soo xiganaya Wargeyska uu shaaciyay in dagaalyahanada la dilay ay gaarayaan 140, sida uu hadalka u dhigay.

Sarkaalka la hadlay Wargeyska ayaa sheegay dagaalyahanada Shabaabka ee Afmadow soo weeraray inay wateen Sideed gaari, tiro ahaana wuxuu ku qiyaasay ilaa 500 dagaalyahan.

Waxa uu sheegay dagaal culus oo dhacay in ciidamada Shabaabka Degmada Afmadow ay uga carareen meydadka 140 dagaalyahan oo Shabaab ka tirsan.

Wargeyska oo soo xiganaya Saraakiil Kenyan ah ayaa waxuu qeexay in Weerarkaasi sidoo kale labo Gaari looga gubay Al Shabaab.

Majirto ilo wareedyo madax banaan oo xaqiijinaya Khasaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi ka soo gaaray dhinacyadii ku dagaalamay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada hoose.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay dagaalkii ka dhacay Degmada Afmadow inay ku dileen ciidamo badan oo kuwa Jubbaland iyo Kenya isugu jiray.

Xafiiska Horumar Online, Nairobi
Horumaronline@gmail.com 

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close