Markab ka shiraacday Dekedda Kismaayo oo lagu qabtay Kenya

Filed under: WARARKA MAANTA |

Nairobi (Horumar Online) – Boliska Kenya ayaa sheegay inay qabteen Badmaaxiin u kala dhalatay dalalka Kenya iyo Tanzania oo la socotay Markabkaasi.

Boliska waxay sheegeen inay dadka Tanzanian-ka si sharci-darro ah ku soo galeen Kenya, iyagoo la socday Markabkaasi oo ku sii jeeday Dekedda  magaalladda Mombasa, balse loo weeciyey Degmadda Kilifi ee Gobalka Xeebta ee dalka Kenya.

Saraakiisha waxay wax yar ka sheegeen Warbixinta buuxda ee sababaha lo oqabtay Markabkaasi oo lagu magacaabo MV Nasiim.

Wararka qaarkooda ayaa sheegayo inuu Markabkaasi shidaalka kaga go’ay Badda, gaar ahaan meel ka fog Xeebta Dekedda Kilifi.

Ma cadda sababaha rasmiga ee loo xiray Shaqaalaha iyo Markabkaasi oo haatan ku xayiran Dekedda Yar ee Kilifi.

Xubnaha Shaqaalaha la socda Markabkaasi ayaa sheegay in  loo diiday inuu Markabku u shiraacdo Dekedda Mombasa oo uu markii hore ku wajahnaa.

Dhinaca kale, Taliyaha Boliska Degmadda Kilifi, Alexandar Makay ayaa xaqiijiyey in la qabtay Markabka iyo 5 Badmaax oo la socotay, isla markaana loo gudbiyey Maxkamadda sababo la xiiira Kiisas la xiriira Canshuuraha iyo iyagoo ku safrayey Markab cilladaysan.

Markabkaasi ayaa waxa la sheegay inuu waday Xamuul badan oo ay ku jireen Kiishash Sonkor oo si Kontorobaan loo soo gelinayey Kenya.

Khabiirka dhinaca Baddaha ee dalka Kenya, Andrew Mwangura ayaa isgana sheegay in qaar ka mid ah shaqaalaha Markabka lagu sii daayey damiin lacageed oo dhan 50,000 oo Kenya Shillings.

Xafiiska Horumar Online, Nairobi
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close