Nabaddoono laga Afduubtay Deg. Afmadow & halka lagu hayo oo…

Filed under: WARARKA MAANTA |

Afmadow (Horumar Online) – Al Shabaab ayaa lagu eedeeyay in Degmada Afmadow ay ka afduubteen labo Nabadoon oo si weyn looga garanaayay Degmadaasi.

Korneyl Xujaale Aadan Maxamed oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Dowladda ee Gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegay Nabadoonada inay ka kaxeysteen Al-Shabaab Afmadow.

Nabadoonada ay Al-Shabaab afduubteen, ayaa magacyadooda wuxuu ku sheegay Saalax Bashiir iyo Saleebaan Cali Xaydar, waxayna Al-Shabaab geeyeen ayuu yiri Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Sida nagu Maqaalo ah Nabadoonadaasi Jilib ayey geeyeen, marka hadda sidaan wararka ku heleyno waa bad qabaan oo weli wax dhibaato ah uma aysan geysan.” Ayuu yiri Korneyl Xujaale.

Ma uusan sheegin sababta Nabadoonadaasi ay Al-Shabaab u afduubteen, sidoo kalena lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa Afduubka la sheegay in Nabadoonadaasi Al Shabaab ay u geysteen.

Saacadihii ugu dambeeyay, odayaasha ku nool Degmada Afmadow, ayaa waxaa soo food saartay cabsi la xiriirta in Al-Shabaab ay afduub u geysteen, maadaama Odayaal ay garanayeen Al-Shabaabka ay qafaasheen.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close