XOG: Ammaan Baydhabo oo aad loo adkeeyay, kaddib markii..

Filed under: WARARKA MAANTA |

Baydhaba (Horumar Online) – Taliska Booliska gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa shaaca ka qaaday inay adkeynayaan ammaanka goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka ee Deeganada Koonfur Galbeed.

Taliye ku xigeenka ciidanka gaarka ah ee Booliska Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cari case, ayaa sheegay inay isku diyaariyeen suggida ammaanka goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka.

Waxa uu sheegay inay ciidamo gaar ah u diyaariyeen ammaanka Musharaxiinta iyo goobaha dadka isugu imaanayaan ee Magaalada Baydhabo.

booliska-koonfur-galbeed-soomaaliya

Diyaar baan u nahay inaan sugno amniga guud ee musharraxiinta Koonfur Galbeed, sidoo kale waxaan sugeynaa amniga goobaha doorashooyinka annaga oo ka feejigan wax walbo, annaga ayaa damaanad qaadeyna amniga guud ee goobaha doorashooyinka” ayuu yiri Taliyaha.

Wuxuu kaloo taliye xusay, in shacabka Koonfur Galbeed gaar ahaan kuwa Baydhabo iney u istaagaan la shaqeynta ciidamada amniga.

Inta badan magaalooyinka dalka ayaa waxaa looga diyaargaroobayaa doorashooyinka aqalka hoose, iyadoo amniga uu yahay mid aad loo adkeeyey.

Xafiiska Horumar Online, Baydhaba
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close