XOG LA-HELAY: Madaxda maamul goboleedyada oo Jeebabka loo soo buuxiyay & Xasan Sheikh oo godkiisa biyo ugu galay + XASAASI

Filed under: WARARKA MAANTA |

Dubia (Horumar Online) – Kulamadii qarsoodiga ahaa ee dalka Imaaraadka Carabta ku lahaayeen madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka iyo mas’uuliyiin ka tirsan dalkaasi ayaa soo dhammaaday.

Xog hoose oo ay Horumar.com ka heshay magaalada Dubai ayaa sheegaya in ujeedka shirka uu ahaa wadatashi ku saabsan doorashada 2016 iyo qorshe ay wadatay Imaaraadka Carabta oo dano waaweyn ka leh Soomaaliya.

Qandaraaskii koowaad ee Doorashada 2016 ayay dowladda Imaaraadka Carabta siisay madaxda maamulada dalka iyadoo loo balanqaaday kharashaad kale haddii wejiga koowaad ee qandaraaska ay fuliyaan.

madaxda-maamul-goboleedyada-ee-ku-sugan-imaaraadka-carabta

Qorshahan Imaaraadka ayaa ah in Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya laga hor istaago inay soo galaan xubnaha ka tirsan kooxda Damjadiid iyo taageerayaasha madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana madaxda maamulada dalka laga rabaa inay xaqiijiyaan arrintan oo ay ku heleen dhaqaale hordhac ah.

Qorshaha labaad ee Imaaraadka oo ku xiran fulinta qorshaha koowaad ayaa dib loo dhigay, isagoo ku saabsan laba musharax oo xilalka madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ka noqon doona dowladda cusub.

Imaaraadka Carabta ayaa markii hore taageersanaa in mar kale la soo doorto Madaxweyne Xasan Sheekh, balse haatan ka baxday, iyagoo labo musharax oo kale oo ay doonayaan in mid la doorto.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo muddooyinkii u dambeeyay culeys uga imaanayay Beesha caalamka ayaa u muuqda inuu waayay taageeradii ugu weyneyd ee uu ka heystay Imaaraadka Carabta.

Waxaa cadaatay in Imaaraadka Carabta iyo Mareykanka ay isku mowqif ka yihiin arrinta doorashada iyo Musharaxa ay doonayaan, waxaana loo arkaa in Imaaraadka uu yahay wakiil qarsoon oo Mareykanka u qaabilsan arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynayaasha maamulada ee shirka Dubai ka qeyb galay waxaa ka mida: Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, Galmudug C/kariin Guuleed, Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble, Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo Jubbaland Axmed Madoobe.

Xafiiska Horumar Online, Nairobi
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close