Maraakiib dagaal oo ku dhawaaday Deg. Qandala & Barakac xoogan oo..

Filed under: WARARKA MAANTA |

Qandala (Horumar Online) – Maraakiibta dagaalka ee Wadamada Reer Galbeedka, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay ku soo dhawaadeen Degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Waxaa kaloo hawada Degmada Qandala lagu arkay diyaarado dagaal, taasoo walaac ku beertay dadkii deegaanka, oo bilaabay inay isaga cararan guryahooda.

Waxay tani ka dambeysay iyadoo Degmadaasi ay haystan dagaal-yahano taabacsan Ururka Daacish, oo toddobaadkii hore la wareegay Xarumaha Degmadaasi ugu muhiimsan.

Saciid Maxamed Waaberi, Gudoomiyihii hore ee Degmada Qandala, ayaa sheegay in dadka deegaanka ay baqdin ka muujiyeen in maraakiibta iyo diyaaradaha shisheeye duqaymo ka gaystaan halkaasi.

Saciid Maxamed Waaberi oo hadda ah xisaabiye ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland, ayaa sheegay inaysan jirin cid ku hartay Qandala, marka laga soo taggo saddex illaa afar qof oo socon weyday.

Mr. Waaberi oo tirada qoysaska reer Qandala ku sheegay kun iyo shan boqol oo qoys, ayaa tilmaamay inay u kala yaaceen deegaanada kale ee Gobolka Bari, ayna Qandala uga taggeen wixii ganacsi iyo hantiba ay haysteen.

Waaberi oo wareysi siiyay VOA, ayaa hay’adaha gargaarka iyo dadka deegaan ahaan ka soo jeeda Qandala, isla-markaana wax haysta ugu baaqay inay u gurmadaan dadka soo barakacay.

Xafiiska Horumar Online, Boosaaso
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close