DAAWO SAWIRO: Baaq nabadeed oo loo diray Galmudug & Puntland

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Waxgarad ka soo kala jeeda Deegaanada Galmudug iyo Puntland, ayaa gelinkii dambe ee Isniintii ku kulmay Magaalada Muqdisho, iyagoona codkooda ku biiriyay nabadda Magaalada Gaalkacyo.

Waxgaradka kulmay oo isugu jira Culima’udiin, Saraakiil ciidan, Mudaneyaal ka tirsan Aqalka Sare Baarlamaanka, Xildhibaano Baarlamaanka Federaal ku jira, Musharixiin Madaxweyne, Salaadiin iyo aqoonyahano, ayaa ka wada hadlay dagaalka bishii hore ee October ka soo cusboonaaday Xarunta Gobolka Mudug ee Magaalada Gaalkacyo.

Dhinacyadan, ayaa waxay ku baaqeen in la joojiyo dagaalka, in Maamulada Galmudug iyo Puntland dib ugu soo wada laabtan miiska wada hadalka iyo in wixii khilaaf ah ku dhameeyan wada hadal iyo walaaltinimo.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Somaliyeed, ayaa labada maamul ugu baaqay inay u turaan shacabka ka barakacay Magaalada Gaalkacyo, kuna dhibaateysan duleedyada magaaladaasi.

Dhinacyadan, ayaa magacaabay guddi nabadeed oo lagu sheegay danjireyaal nabadeed, waxaana Talaadada maanta lagu wadaa inay gaaraan Magaalada Gaalkacyo.

Maamulada Puntland iyo Galmudug, ayaa marar badan loogu baaqay inay joojiyan dhiilada colaadeed ee ka aloosan Gaalkacyo, khilaafkooduna wada hadal ku xaliyan.

kulanka-waxgaradka-puntland-iyo-galmudug kulanka-waxgaradka-puntland-iyo-galmudug1 kulanka-waxgaradka-puntland-iyo-galmudug2 kulanka-waxgaradka-puntland-iyo-galmudug3 kulanka-waxgaradka-puntland-iyo-galmudug4 kulanka-waxgaradka-puntland-iyo-galmudug5 kulanka-waxgaradka-puntland-iyo-galmudug6

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close