DAAWO SAWIRRO: Madaxweyne Xasan oo Xariga ka jaray xaruntii ciidanka Cirta ee Muqdisho

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray xaruntii ciidamada cirka ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda dib u howlgalinta Xaruntii Ciidamada Cirka ee Afisyoone ayaa waxaa ka qeyb galay taliyaha ciidamada xoogga dalka, taliyaha ciidamada cirka, taliyaha Nabad SugiddaQ, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

Ugu horeyn waxaa munaasabada ka hadlay taliyaha ciidamada cirka ee dowladda Soomaaliya, Gen. Maxamuud Shiikh Cali waxa uuna ku dheeraaday taariikhda ay soo martay xarunta ciidamada cirka oo uu sheegay in ay aheyd meeshii ugu horeysay ee lagu aasaasay ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya. Sidoo kale taliyaha waxa uu bogaadiyay dhamaan dadkii gacanta ka geystay dib u dayactirka xarunta ciidamada cirka oo in muddo ah aanan lagu shaqeyn.

Sidoo kale, waxaa munaasabadda ka hadlay, taliyaha ciidamada xoogga dalka, Maxamed Aadan Axmed,waxa uu sheegay in dhismaha xarunta ciidamada cirka ay tusaale u tahay horumarka ciidamada qalabka sida uu ka gaaray dib u howlgalinta goobihii taariikhiga ahaa ee ay ku shaqeyn jireen ciidamada dowladda.

waxa uu taliska ciidanka cirka kula dar daarmay in ay ka soo dhalaalaan howlaha baaxadda leh ee ay u haayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed maadaama ay heleen xarun ay ku shaqeeyaan.

Ugu danbeyn waxaa munaasabadda soo xiray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xassan Sheekh Maxamuud, waxa uuna ugu horeyntii u mahad celiyay dadkii ka qeyb qaatay dib u dayactirka xarunta ciidamada cirka oo uu sheegay in ay ka muuqatay bur bur xoogan, waxa uuna taliska ciidamada cirka kula dar daarmay in ay dar dar galiyaan howlaha baaxadda leh ee ay u hayaan dalka iyo dadka, si dalka looga samata bixiyo dhibaatada mudada dheer soo jiitameysay.

xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya1 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya2 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya3 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya4 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya5 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya6 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya7 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya8 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya9 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya10 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya11 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya12 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya13 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya14 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya15 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya16 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya17 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya18 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya19 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya20 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya21 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya22 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya23 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya24 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya25 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya26 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya27 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya28 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya29 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya30 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya31 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya32 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya33 xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya34

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close