DHAGEYSO: 5 ruux oo lagu gowracay Deg. Tiyeglow & Xaaladda oo…

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Tiyeglow (Horumar Online) – Maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo toddobaadkii hore si buuxdo ula wareegay Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool, ayaa waxaa la soo sheegaya in shan qof oo rayid ihi ku gowraceen Degmadaasi.

Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan Amisom iyo kuwa Dowladda Somaliya, ayaa 26-kii bishan isaga baxay Degmadaasi, iyadoo wax ka yar hal saacna ay kula wareegtay Al-Shabaab.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA

Xildhibaan Maxamed Isaaq Xuseen (Afaraale) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ee ka soo jeeda Degmada Tiyeeglow, ayaa sheegay maalin ka dib qabsashadii Al-Shabaab ee Degmadaasi inay ku xir xireen shan qof oo ka mid ah dadkii rayidka ahaa ee ku haray halkaasi.

Waxaa uu ka dhawaajiyay in galabta uu soo baxay war sheegaya in mintidiinta kooxda Al- Shabaab, ay siyaabooyin kala duwan dadkaasi ugu gowraceen Degmadaasi.

Xildhibaan Maxamed Isaaq Xuseen oo wareysi siiyay Raadiyaha Mustaqbal, ayaa tilmaamay in dadkaasi oo dad masaakiin ahaa loo dilay si xaqdaro ah.

Mudane Afaraale, ayaa laba ka mid ah dadka la dilay ku sheegay inay ahaayen ganacsato, waxa loo dilayna ku sababeeyay iyagoo wax ka iibiyay Ciidamadii Itoobiya, ee ku sugnaa Degmada Tiyeeglow.

Xafiiska Horumar Online, Baydhabo
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close