DHAGEYSO: Gabar Soomaali ah oo Taarikhda Mareykanka galaysa!

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Minnesota (Horumar Online) – Ilhan Cumar oo ah gabar Soomaali Mareykan ah ayaa 8 maalin kadib qarka u saraan in ay noqoto gabadhii ugu horreysay oo Muslim, muhaajir Mareykan ah oo noqota xildhibaan.

22 sano ka hor Ilhan Omar oo ah gabar ku dhalatay dalka Soomaaliya balse hadda heysato dhalashada Mareykanka, waxay ku nooleyd xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.

HALKAN KA DHAGEYSO WARBIXIN & TAARIIKHDA ILHAN

Hadda waxay indhaheedu hayaan oo ay qarka u saarantahay in ay ka mid noqoto xildhibaanada Aqalka Wakiilada ee Gobolka Minnesota ee dalkan Mareykanka, kadib markii ay guul weyn kasoo hoysay ololihii doorashooyinkii horudhaca ahaa ee sanadkaan.

ilhan-omar

Haddaba nala dhageyso warbixin ay laanta Af Soomaaliga ee VOA.da ka diyaarisay Ilham Omar iyo Taariikhdeeda markii ay dalka Mareykanka soo galaysay.

Xafiiska Horumar Online, Minnesota-US
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close