DHAGEYSO: Kenya oo dib u bilowday dhismaha darbiga Xadka Somaliya & Shacab loo dhaawacay

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Beled-Xaawo (Horumar Online) – Dowladda Kenya, ayaa waxay dib u bilowday dhismaha darbiga ay sheegtay inay ka hirgelinayso xuduuda ay la wadaagto Somaliya, iyadoo qiil ka dhiganaysa inay kaga hortageyso weerarada kaga imaanaya Ururka Al Shabaab.

Dhismahan, ayay Kenya ka bilowday barta kala qaybisa saddexda dal ee Somaliya, Kenya iyo Itoobiya, halkaasoo loo yaqaano BB1, isla-markaana uu maro Webiga Daawo.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA

Shacabka ku dhaqan Degmada Beled Xaawo oo arrintan ka dhiidhiyay, ayaa dhigay bannaanbax ay uga soo horjeedan qorshaha Kenya darbiga kaga dhiseyso xuduuda.

Shacabku waxay ka gadoodsan yihiin dhismaha darbiga oo saamayn ku yeelanaya qaybo ka mid ah xaafado ay degan yihiin dadka reer Beled Xaawo, taasoo keentay in maanta isu dhacaan Ciidamada Kenya.

darbiga-kenya-ay-ka-dhiseyso-xuduudda-soomaaliya

Rasaas ay furayn Ciidamada Kenya, ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacantay laba qof oo rayid ah, oo middi ay haweeney tahay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya, kuna aadan dhaq dhaqaaqyada ku aadan darbiga ay Kenya ka wado xuduuda labada dal, balse waxay horey Dowladda Somaliya u sheegtay in qorshaha darbiga aanu ku imaan karin go’aanka hal dhinac oo keliya.

Gudoomiyaha Degmada Beled Xaawo, Maxamuud Xayd Cismaan oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da, ayaa xaqiijiyay dhaq dhaqaaqyada cusub ee Kenya ka bilowday xuduuda labada dal.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close