DHAGEYSO: Qandala oo cidna aysan ku harin & wararkii ugu dambe..

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Qandala (Horumar Online) – Guddoomiyihii hore ee Degmada Qandala Siciid Maxamed Waaberi oo haatanna ah xisaabiye ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa sheegay in qarax xooggan uu ka socdo degmada Qandala.

Saciiid Maxameed Waaberi mar uu la hadlayay laanta Af Soomaaliga ee VOA -da ayuu sheegay, in guud ahaan shacabkii ku noolaa degmada Qandala inay ka qaxeen magaaladaas ka dib markii koox gacan-saar la leh ISIS (Daacish) ay qabsadeen Qandala.

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA EX-GUDDOOMIYE

Guddoomiyihii hore ee degmada Qandala, oo ku sugan meel u jirta 20 KM degmada Qandala ayaa xusay in sababaha ugu weyn ee dadku uga soo qaxeen magaalada ay tahay, cabsi ay ka qaadeen diyaarado magaalada dul heehaabaya iyo maraakiib dagaal oo ku soo dhowaaday xeebta.

Xafiiska Horumar Online, Boosaaso
Horumaronline@gmail.com

 

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close