Jubbaland: ”Ma awoodno qaxooti kale oo Kenya ka soo laabta”

Filed under: WARARKA MAANTA |

Kismaayo (Horumar Online) – Iyadoo Maamulka Jubbaland horay ay walaac uga muujiyeen qaxooti fara badan oo Somali ah oo dalka dib ugu soo laabtay, kuwaasi oo intooda badan tagay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose, ayaa mar kale Jubbaland waxa ay sheegaysaa inaysan awoodin qaabilaada qaxooti kale.

Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Jubbaland Maxamed Faarax Warsame (Darwiish) oo Saxaafadda la hadlay, ayaa wuxuu sheegay Maamulka Jubbaland inuusan awood u laheyn qaabilaada qaxooti kale oo Kenya ka yimaado.

Wuxuu sheegay inaysan haysan dhaqaale ay ku qaabilaan Qaxooti kale, oo iminka ay la daalaa dhacayaan qaxootigii hore uga yimid Deeganada dalka Kenya.

darwiish

War dadka si nolol loogu helo dadka wax haloo raadiyo oo dhaqaale hala soo siiyo, dadka wax uma hayno oo dad qaawan yaan nalagu soo daadin, Dowlad labo sano jirta oo weli dagaal kujirta oo Shabaab la dagaalamaysa, maxay awoodaanaa.” Ayuu yiri Wasiirka Arimaha Gudaha Jubbaland.

Hay’adaha ka shaqeeya soo celinta Qaxootiga Somaliyed ee Xeryaha Dhadhaab, ayaa wuxuu sheegay in looga baahan yahay dadka ay soo celinayaan inay camal u sameeyaan, hadii Jubbaland ay bixisay dhul ay dadkaasi degaan iyo amnigooda.

Jubbaland waxa ay sheegtay inaysan awood u laheyn qaadista 60-kun oo qaxooti ah oo Dhadhaab laga soo celinaayo, hadii aanan camal loo sameynin dadkaasi, balse Maamulka uu awoodo damaanad qaadka amnigooda.

Kismaayo ayaa hada waxaa buuxa dad fara badan oo ka yimid dalka Kenya, kuwaasi oo xaalado kala duwan oo dhanka nolosha ah ay ku haysato halkaasi.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close