Ciidanka Kenya oo xiray 3 qof oo lala xiriirinayo weerarkii Al-Shabaab ku qaaday hotel ku yaalla Mandhera

Filed under: WARARKA MAANTA |

Mandhera (Horumar Online) – Dowladda Kenya ayaa xabsiga dhigtay saddex ruux oo lagu tuhmaayo inay ka dambeeyeen weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Bisharo ee ku yaalo Magaalada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Dadkaan la xiray ayaa laga qabtay Bartamaha Magaalada Mandhera, kadib markii ay soo galeen raadad ku aadan inay xiriir dhaw la leeyihiin mintidiinta Al-Shabaab, inkastoo weli aanan la haynin cadeymo rasmi ah oo muujinaya inay Shabaab xiriir toos ah la leeyihiin.

Guddoomiyaha Degmada Mandeera, Fredrick Shisia ayaa waxuu tilmaamay in tuhmaneyaasha su’aallo kala duwan lagu weydiinayo saldhig boolis oo ku yaalla Magaalada Mandhera.

ciidamada-kenya-ee-mandhera

Guddoomiyaha ayaa qaar ka tirsan Bulshada ku nool Magaalada Mandhera ku eedeeyay inay ka dambeeyaan weerarada ka dhacay Magaaladaasi, maadaama xogo kala duwan ay siiyaan Al-Shabaab iyaga oo ka baqaya Shabaabka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu xusay in tirada la xiray ay noqoneysa 5 Ruux maadaama horey labo kale loo xiray, kuwaasi oo iyaguna loo heysto Weerarkaasi ay sheegteen Ururka Al-Shabhaab.

Guddoomiyaha Degmada Mandera, ayaa tilmaamay in dadka u xiran weerarkii Mandhera ay gaarayaan 5 ruux oo labo qof ay horay u xirnaayeen.

Ururka Al-Shabaab ayaa weerarka ay ka geysteen Degmada Mandhera waxa ay ku dileen 12 ruux oo deganaa Hotelka Bisharo ee Magaalada Mandhera, dadkaasi oo ahaa Kenyan aanan u dhalan Magaaladaasi.

Xafiiska Horumar Online, Nairobi
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close