UPDATE: Diyaarado dagaal oo maanta duqeeyay Qandala & Cabsi ka…

Filed under: WARARKA MAANTA |

Qandala (Horumar Online) – Warar goor-dhow naga soo gaaray degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in duqeyn ay ka dhacday maanta degmadaasi.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeynta ka dhacday degmada Qandala ee gobolka Bari, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in duqeynta laga soo riday maraakiib dagaal oo ku sugan agagaarka xeebta degmadaasi.

Warar kale ayaa sheegaya in duqeynta ay aheyd diyaarado dagaal oo dul heehaabayay magaalada.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha duqeynta ka dhashay, balse waxaa cabsi horleh ay soo wajahday shacabka ku sugnaa degmada Qandala ee gobolka Bari.

Waxay aheyd maalmo ka hor markii kooxda Daacish ay tagtay degmadaasi, iyadoo 80 kamid ah dagaalyahanada Daacish taageersan ay gudaha u galeen degmada.

Si kastaba ha’ahaatee, degmada Qandala oo ah magaalo xeebeed waxay 75 km u jirtaa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Xafiiska Horumar Online, Boosaaso
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close