Home WARARKA MAANTA XOG: Al-Shabaab oo Amar culus dul-dhigay Shacabka Ceel-Cali

XOG: Al-Shabaab oo Amar culus dul-dhigay Shacabka Ceel-Cali

SHARE

Ceel-Celi (Horumar Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa amaro dul dhigay dadka ku nool Degmada Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan, kaddib muddo isbuuc ah oo kulan uu Degmadaasi ku dhexmaray Saraakiil ka tirsan Ururka Al-Shabaab iyo Odayaasha Dhaqanka ee Degmadaasi.

Qodobadii ka soo baxay kulankaasi, ayaa waxaa ka mid ahaa in dadka ku nool Degmada Ceel Cali aysan bixin macluumaadka maleeshiyaadka Al-Shabaab ee Degmadaasi, sida Saraakiisha ku sugan degmada iyo ciidamada jooga inta ay la eeg yihiin.

Sarkaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay Odayaasha Dhaqanka inay isla garteen inaysan faafin macluumaadka Shabaabka, sidoo kalena qodobada ay isla fahmeen ay ka mid tahay inay soo sheegaan ragga ka tirsan ciidanka Dowladda ee suuragal ay tahay inay dhuumasho ku tagaan Degmada Ceel Cali.

Qodobada sidoo kale Al-Shabaab ay ku amreen Dadka ku nool Degmada Ceel Cali inay fuliyaan waxaa ka mid aheyd inay meel uga soo wada jeestaan la dagaalanka ciidamada Dowladda Federalka Somaliya iyo kuwa Amisom ee Gobolkaasi ku sugan.

Guddoomiyaha maleeshiyada kooxda Al-Shabaab u qaabilsan Gobolka Hiiraan Sheekh Guuled Abuu Nabhaan oo ka hadlay goobtii lagu soo gaba gabeeyay kulankaasi, ayaa wuxuu ammaanay Odayaasha Dhaqanka ee u hogaansamay qaadashada awaamiirta ururka Al-Shabaab.

Abuu Nabhaan ayaa sheegay, in Odayaasha looga baahan yahay inay si wanaagsan u bixiyaan Zakada, islamarkaana dhalinyaradooda muddo saddex bilood ah ay ku baraan diinta Islaamka oo macaahid ay ka furaan Degmada.

Dadka ku nool Degmooyinka ay maamulaan Maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa haysta culeesaad ku aadan fulinta awaamiirta kala duwan ee Al-Shabaabka ay dul dhigaan dadkaasi.

Xafiiska Horumar Online, Baledweyn
Horumaronline@gmail.com

SHARE