XOG: Xeer ilaaliyaha Qaranka oo Kashifay sir badan oo qarsooneyd

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya, Dr. Axmed Cali Daahir  oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maxaabiis ka badan Kun Soomaali ah ay ku xiran yihiin Xabsiyo ku yaala 22 dal oo ku yaala wadamada caalamka

Dr. Axmed Cali Daahir ayaa xusay in dhalinyarada Soomalida ee ku xiran xasbiyada dalalka caalamka ee loo heysto burcad badeednimada aysan haysan cid u doodda, islamarkaana lagu rido xukun dheer.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya, ayaa waxa uu ka codsaday madaxda dowladda iyo bulshada Soomaliyeed in ay iska kaashadaan sidii loogu gurman lahaa maxaabiistaasi Soomaaliyeed.

Kun Laba boqol iyo Labaatan qof ayaa waxey ku xiranyihiin 22 dal oo caalamka ah oo loo heysto burcadbadeed, hindiya oo kaliya ma aha waa 22 wadan hadii ay tahay Sishelis, Malta, Kenya Iran, Baxreyn, Cuman, Imaaraadka, Filipin Japan, Viatnam, America, caalamka oo dhan ayeey ku xiranyihiin dad Soomaaliyeed, dadkaasi dhibaateysan anagey naga sugayaan iney cadaalad helaan” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha qaranka Dr Axmed Cali Daahir.

Xabsiyada Dalalka Caalamka ayaa waxaa ku xiran dhalinyaro Soomaliyeed oo lagu eedeeyay  falal burcad badeednimo, qaarkooda waxaa lagu xukumaa sanado badan oo xabsi ah dowladda Federaalka  Soomaliya ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in aysan xil iska saarin in ay wax ka qabato arrimahaas.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close