Al-Shabaab oo gacanta ku haya Goofgaduud & Wararkii ugu dam..

Filed under: WARARKA MAANTA |

Goofgaduud (Horumar Online) – Xaalada Deegaanka Goofgaduud ee Gobolka Baay, ayaa saaka degan kadib markii ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ay isaga baxeen deegaankaasi.

Ciidamada Shabaab ayaa maamulaya gacan ku haynta Deegaanka Goofgaduud oo Qiyaastii 30-KM u jirta Magaalada Baydhabo, iyadoo Saraakiil ka tirsan Shabaab meel fagaare ah ay kula hadleen Bulshada Deegaanka.

Sarkaal ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa sheegay dadka in laga doonaayo la shaqeynta ciidamada Shabaab si looga hortago falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo ka dhaca Deegaanka, isaga oo Bulshada u sheegay inay si nabad ah ku ganacsan karaan oo aysan jirin dhibaato.

Waxa uu sheegay Sarkaalkaasi ka tirsan Ururka Al Shabaab in dadka deegaanka laga doonaayo inay ka qayb qaataan dagaalka lagu difaaci doono Deegaanka Goofgaduud, hadii ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Dowladda ay isku dayaan inay dib u qabsadaan.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku sugan meel aanan ka fogeyn deegaanka Goofgaduud, halkaasi oo fariisimo ciidan ay ka sameysteen markii ay ka baxeen Deegaanka.

Sarkaalka hogaaminaayo ciidamada ka baxay Deegaanka Goofgaduud oo lagu magacaabo C/laahi Sheekh Maxamed oo la hadlay Idaacada Risaala, ayaa sheegay sababta ciidanka ay uga baxeen deegaanka inay tahay Mushaar la’aan haysata ciidamada.

Waxa uu sheegay Sarkaalkaan ciidamada inaysan in muddo ah qaadan wax Mushaar ah, taasina ay keentay inay faarujiyaan deegaanka.

Labo maalmood ka hor ayeey aheyd markii Dagaalyahanada Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaankaasi ay kula wareegeen, inkastoo markii dambe deegaanka ay isaga baxeen.

Xafiiska Horumar Online, Baydhabo
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close