DEG DEG: Toogasho goor-dhow ka dhacday Muqdisho & Raggii fuliyay oo la qabtay

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Laba ka tirsanaa dagaalyahanada maleeshiyaadka Al-Shabaab, ayaa waxaa goor dhow oo galabta ah lagu qabtay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Tallaabada lagu qabtay raggan, ayaa waxay ka dambeysay markii ay toogasho ku dileen nin oday ahaa, islamarkaana uu ku soo baxay askari halkaasi ku sugnaa, kaasoo toogasho ku dhaawacay labadaasi ninba.

Goobjooge, ayaa inoo sheegay in goobta uu dilka ka dhacay ay ka tirsan tahay xaafadda Tamaam, gar ahaan meel aan ka fogayn Shaneemo Muqdisho.

Goobjoogaha, ayaa yiri “Laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa ayaa nin oday ah ku dilay xaafadda Tamaam ee Degmada Wadajir, gaar ahaan nawaaxiga Shaneemo Muqdisho.”

Waxaa uu intaa ku daray “Askari ka ag-dhawaa goobta lagu dilay odaygaasi, ayaa rasaas ku furay nimankii wax dilay, wuuna dhaawacay. Ilaalada Gudoomiyaha Degmada Wadajir oo goobta yimid ayaana gacanta ku dhigay nimankaasi.”

Docda kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in raggaasi ay labaduba u dhinteen dhaawacyada soo gaaray, inkastoo ay iminka adag tahay in la helo cid warkaasi xaqiijin karta.

Maamulka Degmada Wadajir, ayaa waxaa goor dhow la fillayaa in si rasmi ah kaga hadlaan dilka ninka odayga ihi loogu gaystay Degmadaasi iyo jawaabta ay ka bixiyeen ciidamada ammaanka.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close